Foto: Janerik Henriksson/TT

 

Wasiirka arrimaha socdaalka ee Iswiidhan iyo seddex xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamaanka Iswiidhan oo si wadajir ah dood ugu qoray bogga doodaha ee jariirada Expressen ayaa ku dooday in la joogo xilligii ay xildhibaanada golaha wakiilada ee Iswiidhan fududayn lahaayeen xeerarka khuseeya dhalashada Iswiidhan.

Waxa ay ku doodayaan in dhalashada Iswiidhan lagala noqdo qofkii dembi weyn gala ama markii horeba si musuq iyo been ah ku helay dhalashada Iswiidhan. Wasiirada iyo xildhibaanadu waxa ay si weyn hoosta uga xariiqeen muhiimada iyo qiimaha weyn ee ay leedahay dhalasha Iswiidhan iyo sida ay maanta dadka qaarkood ayna u siinin xurmadii ay lahayd balse ay qiimotireen. Wasiirada iyo xildhibaanadu waxa ay ku dheeraadeen in dhowr jeer oo horeba ay dawladihii kala dambeeyay isku dayeen in sharciga dhalashada wax laga beddelo, si xeerarka waddanka dhexdiisa looga helo dabar qabta qofka aan ku dhaqmin xurmadii iyo wanaagii ay lahayd in Iswiidhish la noqdaa. Waxa ay tilmaameen sida uu maanta dastuurka Iswiidhan uu ugu adag yahay in qofna dib looga qaadi karo dhalashada, waana arrinka ay dul istaageen in loo baahan yahay si shuruucda wax looga beddelo.

Qofkii dembi gala, ruuxii khaa’in waddan noqda, iyo kii argagixisada gala toona kama qaadi karno dhalashada ayay si adag ugu doodayaan. Waddamada kale ee Yurub iyo gaar kuwa Iswiidhan jaarka la ahiba dib ayay dhalashadooda ugala noqon karaan qofkii aan u qalmin ee maxaa Iswiidhana sidaasi oo kale u diiday ayay ku doodeen.

Waxa ay doodoodii ku soo afmeereen in ay dawladu dhawaan hirgelin doonto xogbaadhis heer baarlamaan ah oo cusub oo si qoto dheer uga soo baaraandegta arrintan.

Baadhistu waxa ay eegi doontaa siday u suurtoobayso in dhalasha lagala noqdo qof dembiyo waaweyn galay, qof musuq, been ama hanjabaad ku helay dhalashada iyo qof warbixino qaldan oo uu bixiyay ku helay dhalashada Iswiidhan.

Xubnahan ayaa sheegay in soo jeedimaha baadhista laga sugayaa ay ku salaysnaan doonaan xeerarka salka u ah shuruucda Iswiidhan. Waa muhiim ayay yidhaahdeen in dhalasha Iswiidhan ay hesho oo ay lahaato xurmada iyo wanaaga ay muddan tahay. Qofkii xagal daacinayaana ha ku talo galo in aanu sii ahaanayn Iswiidhish ayay haddalkoodii ku soo gabogabeeyeen.

 

 

Xigasho: Expressen

kontakt@navigatormedia.se