Fredrik Sandberg/TT

Culays shaqo oo badan ayaa fuulay laanta socdaalka ee Iswiidhan, ka dib markii ay kor u kacday tirada dadka raba inay qaataan dhalashada Iswiidhan. Arrinta ku saabsan adkaynta shuruudaha sidii muwaadin Iswiidhish ah lagu noqon lahaa ee qaybta ka ahayd heshiiskii Tidöavtalet ayaa la filayaa in uu bilowdo xagaagan. Isla markii la soo bandhigay soojeedinta qorshahan dayrtii hore, waxa markiiba kordhay culayska fuulay laanta socdaalka, taasi oo gacanta ku haysa hannaanka loo maro helida muwaadinimada.

 

– Qiyaastii 6,000 ilaa 8,000 oo codsi oo siyaado ku ah intii aanu saadaalinay ayaa na soo gaadhay xilligii dayrta, ayuu yidhi Mats Rosenqvist, oo ah madax-waaxeed ka hawlgala laanta socdaalka ee Iswiidhan.

 

Hadda waxa miiska hay’ada yaalla in ka baddan 90, 000 oo codsi kuwaas oo ku dhawaad 200 oo shaqaalaha hay’ada  ee xarumaha Norrköping iyo Göteborg ay ku hawlan yihiin ka shaqayntooda.

 

In uu culaysku hadda ku sii kordho hay’adana waxaa sabab u ah laba arrimood:

 

– Dadkii helay sharciga degganaanshaha, gaar ahaan sannadihii 2014-2016, oo  ku sugnaaday Iswiidhan wakhti dheer oo ay ku buuxiyeen shuruudaha lagu dalban karo dhalashada Iswidhan.

 

Waxa kale oo jira xeer ka mid ah sharciga maamulka oo siinaya codsadaha xaq ah in arrinkiisa lagu eego oo lagu go’aamiyo lix bilood.

Kuwa u soo degdegay in ay codsiga xaraystaan ka dib markii heshiiska Tidöavtalet la soo bandhigay ee iyaguna  sugayay wakhti dheer, ayay Hay’adda Socdaalka ku tahay waajib in ay bilowdo sidii ay u raacin lahayd  codsiyada badan ee loo soo gudbiyay dayrtii hore.

 

– Saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxa aanu qabanay oo xalinay 250,000 codsi, saddexda sano ee soo socotana waa isku mid. Waa in aan xalinnaa oo aannu go’aan ka gaadhnaa qiyaastii rubuc milyan codsiyo cusub ah.

 

Xagaagan, dawladda ayaa laga filayaa inay soo bandhigto awaamiirta shuruudaha cusub ee adkaynta qaadasha dhalashada Iswiidhan.

Mats Rosenqvist waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aanu ku lug lahayn ama aanu fikrado ka lahayn go’aamada siyaasadeed, laakiin waxa uu diiradda saarayaa sida ay u saamayn karto shaqada maamulka:

 

– Mar kasta oo shuruudo ama isbeddelo soo kordhaan waxa ay ka dhigan tahay uun in ay tahay in aannu qaadno tallaabooyin ka baaraandegid ah oo badan, waana sababta uu kiis kastaa u qaato wakhti dheeraad ah. Maaddaama aan ka hadlayno hawl baaxad weyn leh, waxa ay qaadan doontaa uun wakhti aad u badan.

 

Heshiiska Tidöavtalet ayaa saamayn ku leh wakhtiga jawaabta, gaar ahaan soojeedinta ah in codsadaha uu muujiyo in uu dhaqaale ahaan isku filnaado ayaa ka mid ah khataraha sii dheeraynaya  habka socdka shaqada ee  Hay’adda Socdaalka.

 

Waxa kale oo Mats Rosenqvist uu aaminsan yahay in dhanka kalena shuruudaha la adkaynayaa ay sidoo kale yareyn karaan culeyska shaqada, maaddaama oo haddii ay yaraato dadka soo codsan kara dhalashada Iswiidhishka, ay hoos u dhici doonto shaqada hay’adu. Isla mar ahaantaana, waxaad arki kartaa in dhalashadu ay noqon doonto mid aad u qiimo badan mustaqbalka, markaa waxaan qiyaasi karaa in ay muhiim u tahay qaar badan in codsigooda loo dhameeyo..

 

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Iswiidhan Ulf Kristersson ayaa ku nuuxnuuxsaday mar uu shalay khudbad ka jeedinayey maalinta qaranka in loo baahan yahay in muwaadinnimada la qiimeeyo.

 

 

– Inkasta oo ay dadka badankiisu  dhab ahaantii fahansanyihiin  in muwaadininmada  waddankeena ay tahay wax weyn, haddana sannado badan ayay Iswiidhan  u socotay uun jihada qaldan oo la sii qiimo tirayay uun muwaadinimadii Iswiidhan, ayuu yidhi Kristersson.

 

Dawladdu waxay doonaysaa in la adkeeyo shuruudaha  lagu noqdo muwaadin Iswiidhish ah, iyada oo laga rabo uun codsaduhu uu yeesho hab-nololeed sharaf leh iyo sidoo kale shuruudo ah in uu codsaduhu ku filnaado naftiisa dhaqaale ahaan.

 

Heshiiska Tidö waxa la saxeexay 14-kii Oktoobar 2022, waxaanu u dhexeeyay xisbiyada iskaashiga Sverigedemokraterna, Moderaterna, KD iyo Liberalerna. Waxaana ka mid ahaa in la adkeeyo shuruudaha lagu helayo dhalashada Iswiidhan. Iyo in la baadho isku-filnaanshaha iyo aqoonta uu codsaduhu u leeyahay afka iyo dhaqanka Iswiidhanba.

 

 

Halkan ka eeg tirada dadkii dhalashada Iswiidhan qaatay sannadihii u dambeeyay:

 

2023: *25 826 (jan-april)

2022: 89 967

2021: 86 889

2020: 81 377

2019: 74 924

2018: 61 312

 

Xigasho: SVT

Mohamed Yusuf

kontakt@navigatormedia.se