FOTO: ALI LORESTANI/TT

Markii uu bilaabay safmareenkii Coviq19, waxa la xidhay ama la xaddiday wakhtiyada ay shaqeeyaan madxafyo badani, taasina waxay keentay inay hoos u dhacaan tirada dadka booqdaa. Balse sannadkii 2022 ayay mar kale kor u kacday tirada dadka booqda madxafyada Iswiidhan. Waxaana sidaa oo bandhigtay warbixin ay soo saartay hay’adda lafagurta arrimaha dhaqanka Iswiidhan.

Sannadkii hore qiyaastii 26,9 milyan oo jeer ayaa la booqday madxafyada kala duwan ee dalka ku yaalla. Taasi ayaa ka dhigan 90% marka la barbardhigo tiradii madxafyada  booqatay sannadkii 2019. Sannadkaasi oo ahaa markii ugu dambaysay ee ay tiro badani booqato madxafyada, iyada oo ay sababtu ahayd in wixii sannadkaa ka dambeeyay uu faafay safmareenkii Covid19, kaasi oo keenay in uu yareeyo isusocodka bulshada.

 

Xigasho: Sveriges Radio

kontakt@navigatormedia.se