Foto: Wiktor Nummelin/TT

 

Faahfaahinta heshiiska cusub weli lama soo bandhigin, laakiin waxa la odhan karaa, waa arrin muhiim u ah isusocodka dalalka gaar ahaan arrimaha magangelyadoonka iyo dalalka ay ku soo horreeyaan.

Waxa kale oo ay dhammaan ballanqaadeen inay caawiyaan xilliyada adag , ha ahaato in laga caawiyo qaybinta ama shaqaale ahaan ama qalab ama in dhaqaale lacag caddaan ah lagu caawiyo.

– Qodobbada ugu muhiimsanaa heshiiska ayaa ah in dalalka ay ku soo horreeyaan magangalyodoonku ee Midowga Yurub  ay aad uga taxaddaraan diiwaangelinta iyo hubinta qof walba oo magangelyodoon ah. Dadka ka yimaadda wadamada inta badan aan laga oggalayn magagelyadoon; waa in lagu hayaa xuduudda dalka ay ku soo horreeyeen, halkaas oo lagu siin doono go’aan aan muddo dheer qaadan, qiyaas ahaan diidmo, lix bilood gudahood ah, ayuu yidhi David Boati.

Iswiidhan, waxa shirkaas uga qaybgalay wakiilo ka socda xisbiga Sverigedemokraterna oo horay uga dalbaday dowladdii hore ee Iswiidhan in ay wax ka qabato sidii loo joojin lahaa heshiiska magangalyada iyo socdaalka ee Midawga Yurub. Ka dib go’aankaas waddamada Midawga Yurub ee toddobaadkan la gaadhay, xisbiga Sverigedemokraterna wuu diiday inuu ka hadlo arrintaas.

“Maanta wax faallo ah kama bixinayno arrintan. Se  sababo jira awgood waxaan ka odhanayno dib ayaanu uga sheegi doonnaa wakhti aan fogayn.” ayuu qoray madaxa saxaafadda ee xisbiga Oskar Cavalli-Björkman oo email u diray SVT Nyheter.

 

 

Xigasho: SVT

Sayid-Ahmed Jama

kontakt@navigatormedia.se