FOTO: PONTUS LUNDAHL/TT
Magaalada Göteborg, waxa jira qiyaastii 800 oo carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso saddex jir ilaa shan jir oo aan weli laga diiwaan gelin dugsiyada xannaanada carruurta. Arrintan ayaa lagu sababeeyay in waalidiin badani ay ka baqanayaan in ubadkooda ay dawladdu ka qaadanayso haddii ay geeyaan dugsiga xannaanada carruurta inta ay yar yar yihiin.
– Waxaan ka cabsiqabay in carruurtayda layga qaato haddii aan soo qoro dugsiga xannaanada carruurta, sidaasi waxa tidhi Naadiya oo ah hooyo haysata laba carruur ah. Naadiya waxa ka soo jeeddaa dalka Afgaanistaan, waxaanay intaasi ku dartay inayna xog badan ka hayn nidaamka uu u shaqeeyo dugsiga ubadka yar yar la geeyo.
Waalidiin badani waxay baqanayaan hay’adda adeegga bulshada. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha xaafadda Bergsjön, waxyaabaha ugu weyn ee sababa in waalid badani ubadkooda aanu geyn dugsiga xannaanada caruurtu waa inay cabsi weyn ka qabaan hay’adda adeegga bulshada oo ay ka baqayaan inay ubadka ka qaadato iyo in ay werwersan yihiin in carruurtu baran kari waydo afkooda hooyo.
Nazoo Mohammad Habib oo ah iskuxidhe ka hawlgasha degmada Göteborg oo si dhaw ula shaqaysa hooyooyinka dalka ku cusub ayaa sheegtay inay qabtaan kulumo ay kulminayaan waalidiinta iyo shaqaalaha hay’adda adeegga bulshada. Nazoo waxay intaasi ku dartay in kulamadi ay abuuraan isfahan ballaadhan iyo inay cabsidu meesha ka baxdo.
Magaalada Göteborg ayaa laga 1 bisha Julaay bilaabaysa olole ay waalidiinta ku siinayso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in ubadka xannaanada la geeyo. Waxa kale oo ay maamulada degmo kastaa soo bandhigi doonaan tirada boosaska ka bannaan dugsi kasta si waalidku u ogaado dugsiga uu geyn karo ilmihiisa.
Hawlwadeenada degmooyinka magaalada Göteborg ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in waalidku u helo xog sugan oo ku saabsan nidaamka ay ku shaqeeyaan dugsiyada ubadka yaryari iyo in la dhiso kalsoonida uu waalidku ku qabo hay’adaha dawladda ee adeegyada kala duwan bixiya
Xigasho: SVT