Foto: TT
Qiimaha maceeshada oo hoos u dhac ku yimid
Labadii bilood ee u dambeeyay waxa hoos u dhac ku yimid qiimaha cuntada, gaar ahaan khudradda, midhaha iyo waxyaabaha caanaha ka samaysan. Cuntooyinkan ayaa bishii Abriil hoos u dhacay 0.4% halka ay bishii Meeyna ay hoos u dhaceen 0.1%.

Sida uu baahiyay Matpriskollen wakhti ku beegan bishii Jeenaweri 2022 ayuu qiimaha maceeshadu kor u kacay qiyaastii 12.8%, taasina waxay keentay inay saamayn ku yeelato badi alaabaha ay iibiyaan dukaamada cuntudu oo qiyaastii dhan 43 000 oo shay.
Inkasta oo ay soo jabayaan cuntooyinka qaar, waxa xusid mudan in kalluunku uu weli qaali yahay.