Foto: TT

Waqooyiga Iswiidhan ayaa si weyn loogu baahan yahay shaqaale. Baadhis la sameeyay ayaa lagu oggaaday in si dad badan loogu soo jiito oo ay ugu guuraan waqooyiga Iswiidhan in loo baahan yahay in qofkii la siiyo lacag dhan 100 kun oo karoon ama in laga cafiyo deynta CSN-ta. Tani ayaa loo arkaa xal keeni kara in dad badani ay u guuraan halkaasi. Waxa kale oo la soojeediyay in cashuurta laga dhimo qofka ama in la siiyo guri gacan koowaad ah, kuwaasina waxay u muuqdaan in ay dad badna soo jiidan karaan.

SVT