Foto: Christine Olsson/TT
Ashenafi Moges oo ka soo jeeda dalka Itoobiya ayaa ku guulaystay tartanka orodka ee stockholm. Tartankan oo maanta oo ay taariikhdu tahay 3 Juun ka dhacay magaalada Stockholm ayaa ay ka soo qaybgaleen 17 000 oo tartame. Ashenafi Moges oo ah 28 jir ka soo jeeda waddanka Itoobiya ayaa kaalinta koowaad ku guulaystay isaga oo goobtii ugu dambaysay ee tartanka ku soo gaadhay wakhti dhan 02:10:32.
Ashenafi oo saxaafadda la hadlaya guushiisa ka dib ayaa sheegay in aanu qiyaasi karin farxaddiisa oo aanu hayn ereyo uu ku cabbiro sida uu dareemayo maanta.
Waxa sidoo kale kaalinta labaad galay Derara Hurisa oo isna ka soo jeeda dalka Itoobiya, halka uu kaalinta saddexaad ku guulaystay Tsegaye Mekonnen oo isna reer Itoobiya ah.
Sannadkan waxa ay tartamayaashu ku ordayeen xaafadaha Östermalm, Kungsholmen, Djurgården, Gamla stan iyo Södermalm. Sida uu idaacadda SVT u sheegay David Fridell
Oo ah guddoomiyaha ee tartankani, waxa tartanka sannadkani ka soo qaybgalay 17 000 oo orodyahan, kuwaasi oo ka soo kala jeeda 100 dal.
Halkan hoose ka eeg sidii tartankan loogu kala guulaystay sannadadii u dambeeyay.
Ragga:
- 2022: Felix Kirwa
- 2021: Fikadu Teferi
- 2019: Nigussie Sahlesilassie
- 2018: Lawi Kiptui
- 2017: Abrha Milaw
Dumarka:
- 2022: Tsige Haileslase
- 2021: Atalei Anmut
- 2019: Aberash Fayesa
- 2018: Mikaela Larsson
- 2017: Konjit Tilahun
Xigasho: TV4