Waxa kor u kordhay tirada dadka soo booqanaya ururka Stockholms Stadsmission ee halkaasi cutada ka cunaya. Ururkan ayaa cunto bilaash ah ku casuuma waalidiinta haysta carruurta yaryar ee ay la soo deristay duruufta adag ee dhaqaale. Ururkan ayaa sheegay in ay muddooyinkii u dambeeyay ay ku soo bateen dadka u imanaya ee carruurta wata ee doonaya in la siiyo cunto, kuwaasi oo aan haysan dhaqaale ku filan. Carruurta ayaa badi dugsiga wax ka cuni jiray balse hadda wakhtigan fasaxa ah waxa ka maqan dhaqaale ay cunto siistaan. Awal waxa maalintii soo booqan jiray ilaa 60 qof balse wakhtigan xagaaga waxay tiradaasi gaadhay 120.

SR