Waxa sannadkan mar kale la qabanayaa bandhiga dhaqanka ee bulshada Eriteriyaanka. Balse taasi waxa garab socda mudaharaad lagaga soo horjeedo, maaddaama oo bandhigan lagu eedeeyay in uu u jaglinayo dhanka dawladda ka talisa Eriteriya oo lagu eedeeyay in ay tahay mid kelitaliye ah. Sannadkii hore ayaa dhibaato weyni ka dhacday degmada Järva ee Stockholm, ka dib markii dad bandhigan ka soo horjeeda oo isla dalkaasi ka soo jeedaa ay isku dhaceen dadkii qabanqaabinayay bandhiga. Taasina waxa ay keentay khasaare weyn. Bandhigan ayaa maalinta Khamiista ah ilaa Axadda ka socon doono degmada Järva, waxaanay boolisku sheegeen in ay si weyn u sugi doonaan amniga. 

SVT