Fotos: Navigator

 

Waxa dalka Iswiidhan ku sugan hawlwadeenno ka socda jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo u yimid sidii ay uga qaybgeli lahaayeen xafladda qalinjebinta qaar ka mid shaqaalahooda oo shahaadada sare ee waxbarashada ka qaadanayay jaamacadda Högskolan Dalarna.

Xidhiidh wada shaqayneed oo in muddo ah u dhexeeyay labada jaamacadood ayaa keenay in arday badan oo ka socota jaamacadda Hargeysi ay wax ka bartaan Högskolan Dalarna. Waxbarashadaasi oo isugu jirta shahaadada labaad iyo tan u sarraysa ee PhD-da.

Wefitigan waxa hoggaamiyanay guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Prof. Maxamuud Yuusuf Muuse, waxaana safarkiisa ku weheliyay Maxamed Axmed Sulub oo ah madaxa xidhiidhada ee jaamacadda Hargeysa iyo Khadra Cali Cigaal oo ah ardayadda qaadanaysay derejada PhD.

Khadra oo ka mid ah hawlwadeenada jaamacadda ayaa in muddo ah soo wadday waxbarashadan, waxaanay ka mid tahay laba arday oo waxbarashada heerka sare ka diyaariyay jaamacaddan, kuwaasi oo ay soo dirtay jaamacadda Hargeysa. Khadra ayaa khasuskeeda ku qaadatay caafimaadka hooyada, dhallaanka iyo xaaladda hooyooyinku ku sugan yihiin wakhtiga uurka.

Sida uu noo sheegay guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Prof. Maxamuud Yuusuf Muuse, xidhiidhka labada jaamacadood u dhexeeyaa waa mid meel fiican maraya, waxaana ilaa hadda shahaadada labaad qaatay 84 arday oo ka socda jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo wax ka bartay Högskolan Dalarna, iyaga oo waxbarashadooda ku qaadanayay hannaanka fogaan-aragga ah. Wuxuu guddoomiyuhu intaa ku daray inay ku hanweyn yihiin sidii ay halkaa uga sii wadi lahaayeen xidhiidhka oo ay u heli lahaayeen arday kale oo qaata shahaadada sare ee PhD, kuwaasi oo hadhow aqoontooda uga faa’iideeya jaamacadda Hargeysa iyo dalkoodaba.

Sida uu noo sheegay guddoomiyuhu, jaamacadda Hargeysa waxa dhigta 7825 arday, waxaanay muddooyinkii u dambeeyay ku tallaabsatay horumar ballaadhan oo dhan walba leh. Waxa ay hadda jaamacaddu xidhiidho la leedahay jaamacaddo badan oo dunida ah. Waxaanay maanta jaamacadda Hargeysi xubin ka tahay ururka jaamacadda Carabta iyo ururka jaamacadaha Afrika.

Prof. Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa intaasi ku daray in ay jiraan arday kale oo ay jaamacaddu dirtay oo derejada PhD ka diyaarinaya jaamacaddo kale, sida, jaamacadda Bahadaar oo ay ku jiraan 9 arday, Haramay 1 arday, dalka Malaysiya oo 1 arday wax ka barto, Turkiga oo 1 arday ah, Iswiiserlaan oo 1 arday ah iyo weliba 10 arday oo derejada PhD ka diyaarinaya dalka Jabuuti. Dadaaladan ayuu guddoomiyuhu ku tilmaamay kuwo wax weyn ka tari doona horumarinta iyo tayayta tacliinta sare dalka iyo gaar ahaan jaamacadda Hargeysa.

Dalalka kale ee ay jaamacaddu wada shaqaynta la leedahay waxa ka mid ah Ingiriiska, Norway, Spain iyo Zambia.

Weftiga ayaa sidoo kale shirar la yeeshay jaamacadda Oslo ee dalka Norway iyo waliba Oslo Metropolitan University oo iyana ah jaamacad ku taalla dalka Norway. Waxaanay ka wada hadleen sidii ay u sii xoojin lahaayeen wadashaqayntooda.

Ugu dambayntii, weftiga oo la kulmay jaaliyadda ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in ay qurbojoogtu aqoontooda iyo xirfadahoodaba ku soo celiyaan dalka si ay qayb uga noqdaan dib u dhiska iyo horumarinta waxbarashada dalka.

 

kontakt@navigatormedia.se